walaal afuri walaakaa ooo baahan ee aan awoodin wax uu ku afuro
Faahfaahin Dheeri ahSOHEDA WAXA AY U TAAGAN TAHAY english (Somali Humanitarian, Education and Development Association), somali (JAMCIYADDA HORUMARINTA TACLIINTA IYO GARGAARKA BANII'AADAMNIMO EE SOOMAALIYA) Jamciyadda soheda waxaa la aas aasay 6dii match 2013 jamciyadda soheda weey Afar sano jirsatay SOHEDA waa jimciyad ka shaqaysa waxbarashada iyo hormarinta bulshada. Waxana ay si gaar ah u bartilmaameedsataa bulshada aadka u liidata ee la kulanta dhibaatooyinka gaarka ah sida takoorka haybta ku dhisan, saboolnimada iyo arrimaha kale ee dadkaas ka sooci kara qaybaha kale ee bulshada. Waxaa ay Jamciyadda soheda gacanta ku heeysaa (1119 arday) oo isugu jira Agoon iyo Danyar oo dhigata (34) iskuul ee ku kala yaala 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir (151arday) waxaa ay dhigtaan dugsi quraan lagu magacaabo Dugsiga barashadda Qur'aanka Kariimka Iyo Daraasaadka Islaamka ee Sheikh Cabdimajiid Sheikh Cabdiqani galinka danbane waxaa dhigta (40) haween ah oo lagu baro quraanka iyo tarbiyadda islaamka waxaa wax kadhiga (5) macillin. Jamciyadda soheda waxa ay leedahay (3bas) oo ay wadaan (3)darawal waxaa sidoo kale Jamciyadda soheda ay leedahay howlwadeeno gaaraya ilaa (13) qofood. waxaa Jamciyadda Soheda Xafiiskeedii 2 aad ka furtay Dowlad Goboleedkii galmudug gaar ahaan degmada Cadaado waxaa sidoo kale jamciyadda soheda wax qabadkeeda ka mid ah in jamciyadda soheda ay Dhagax dhigtay dhismihiisa Faraca 2 aad ee Dugsiga barashadda Qur'aanka Kariimka Iyo Daraasaadka Islaamka ee Sheikh Cabdimajiid Sheikh Cabdiqani Dowlad Goboleedka Galmudug Gaar ahaan Degmada Cadaado NB: waxaa sanadkii nalaga rabaa($163000) (boqol lixdan iyo sedax kun oo doolar) waxaana nasiiyo umada soomaaliyed oo Isugu jirta Bulshada Qeeybaheeda kala duwan Waxaad wax noogu soo diri kartan Premier Bank Acc No:030300151001 Salaam Bank Acc No:30283623 Bahabshil Bank Ac No: 31200 wixii faahfahin dheeraad ah Name: Xaliimo Cabdi Cali Title: Madaxa Agoonta ,waxbarashadda iyo maaliyadda Jamciyadda soheda Tell: 0612343331/0615266326 Mogadishu, Somalia Ama Name: Ahmed Abukar Mohamed Title: General Secretary of Soheda Tell: 0615423438/0612343334 Mogadishu, Somalia
Faahfaahin Dheeri ahamciyadda soheda ayaa gacanta kuheeysa arday gaareysa (1119)arday oo isugu jira agoon iyo danyar isla markaasna kasoo jeeda qooysaska laheeyb sooco ardaydaas ayaa qoysaskooda aan awoodin wax ay ku afuraan bisha ramadaan ee nagu soo food leh. Sidaas darteed jamciyadda soheda ayaa u diyaargarobeeyso in ay Afuriso (2000) (Labo kun)oo qoys oo isugu jira danyar Agoon Waayeelo, Indhoolayaan iyo Kuwo aan wax dhalin weligood Qoys walbana waxaa kubaxeeysa lacag dhan ($75) doolar waxaana loogu iibinaa (25kiilo oo bariis ah 25kiilo oo bur ah 25kiilo oo sokor ah caag saliid ah Kartoon Baasto ah iyo Gasac caano ah). NB: Umada Soomaliyeed meel walbo oo ay joogaan (Dal iyo Dibad) waxaad maanta dhiibataan ayaa beri idin anfacaaya ku.afuri walaalkaada ($75) si loogu iibiyo wax uu ku afuro sidaas darteed waxaan idinka codsaneeynaa in aad nagala qeeyb qaadataan Afurinta Qoysaskaan walaalahiina ah ee Saboolka ah oo baahan ee aan Awoodin wax ay ku Afuraan. waxaan nagala soo xariiri kartaan Tell : 0612343331 Waxaad wax noogu soo diri kartan EVC Plus Tell: 0612343331 Acco NO Sohedapay role Acco: NO: 30761199 Premier Bank Acc No:030300151001 Salaam Bank Acc No:30283623 Bahabshil Bank Ac No: 31200
Faahfaahin Dheeri ahJimciyadda Gargaarka Aadaminimada, Waxbarashada iyo Hormarinta ee SOHEDA, ayaa waxa ay howlaheeda sama-falka ah gacan siin uga heshaa dhinacyo isugu jira hay'ado, shakhsiyaad samafalayaal ah, aqoon-yahanno, iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo tan iyo markii jimciyadda la dhisay qayb ka ahaa dhammaan dadaalada wax u qabashada dadka danta yar ee ay SOHEDA hormuudka ka tahay. Dhinacyadan u taaggan gacan siinta Jimciyadda SOHEDA, ayaa waxa ay si joogto ah u bixiyaan kaalmooyin lagu socodsiinayo barnaamijyada hormarinta waxbarashada iyo aadaminimada ee ay jimciyaddu ku caawiso dadka saboolka ah iyo kuwa ka soo jeeda beelaha la kulma takoorka hayb sooca ku dhisan ee bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ku faafsan. Sida aan warbixinno horay loogu daabacay shabakaddan ugu soo bandhignay, waxa ay shakhsiyaadkan qaarkood dusha u riteen mas'uuliyadda nolosha iyo wax-barashada qaar ka mid ah caruurta agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee ay SOHEDA gacanta ku hayso. Waxana ay damaanad qaadka mas'uuliyadda caruurtaasi suurtagalisay in ay helaan wax-barasho iyo nolol wannaagsan oo aanay abid horay ugu helin. Warbixin ayaa waxa aan ku soo bandhigi doonnaa magacyada qaar ka mid ah shakhsiyaadka ay kaalmadoodu muhiimka u tahay socoshada howlaha SOHEDA, annaga oo doonayna in aan xusno kaalintooda, kuna boogaadino oo ku amaanno gacan siinta iyo garab istaagga ballaaran ee ay u fidiyaan jimciyadda si looga guul gaaro howlaha samafalka ee aan wadno. Guddoomiyayaasha 17-ka degmo ee gobalka Banaadir ayaa qayb ka ah shakhsiyaadka aan kor ku soo xusnay ee sida hagar la'aanta ah u taageera SOHEDA, waxana mid waliba oo guddoomiyayaashan ka mid ah uu ballan qaaday bixinta lacag gaaraysa 500 oo dollar, taas oo loogu tala galay socodsiinta howlaha samafalka ah ee ay jimciyaddu fuliso. Waxa aan mahad ballaaran u celinaynaa dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo magacyadooda iyo sawiradoodu ay hoos ka muuqdaan, waxana rajaynaynaa in taageeradoodu ay suurta gelin doonto in guulo waa wayn laga soo hooyo howlaha samafalka iyo hormarinta ee ay SOHEDA u qabato dadka u baahan. 1. Cumar Mayre Macow: Guddoomiyaha degmada Dharkiinley 2. Guddoomiyaha degmada Wadajir: Axmed Cabdulle Afrax 2. 3. Guddoomiyaha degmada Waaberi: Xaawa Maxamed Cali 4. Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab: Axmed Cusmaan Dhoorre 5. Guddoomiyaha degmada Xamar-Wayne: Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir 6. Guddoomiyaha degmada Shingaani: Axmed Xassan Yalaxow 7. Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis: Cusmaan Muxudiin Cali 8. Guddoomiyaha degmada Kaaraan: Cabdifataax Nuur Cali 9. Guddoomiyaha degmada Shibis: Axmed Muumin Maxamed 10. Guddoomiyaha degmada Boondheere: Qaasin Cabdullaahi Xassan 11. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda: Yaasiin Ciise Nuur 12. Guddoomiyaha degmada Howl-wadaag: Ciise Maxamuud Guure 13. Guddoomiyaha degmada Hodan: Axmed Salaad Ibraahim 14. Guddoomiyaha degmada Dayniile: Axmed Nuur Cabdi Siyaad 15. Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid: Cusmaan Maxamed Caddaawe 16. Guddoomiyaha degmada Hilwaa: Maxamed Axmed Xaashi 17. Guddoomiyaha degmada Kaxda: Cabdikamaal Shiikh Xersi
Faahfaahin Dheeri ah