Aragtida Ururka

Hiiggsigeenu waa in la beddelo xaaladda kala sarraynta haybta ku dhisan ee ka dhex jirta bulshada iyada oo loo marayo in aqoonta iyo ilbaxnimada lagu dhex baahiyo bulshada la takooro, si loogasoo saaro jiil ku filan wax u qabashada bulshadooda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan kalsooni badan ku qabnaa in wax baridda caruurta qoysaska la takooro ay qayb ka qaadan karto yaraynta dhalinyarada ku howlan falalka amniga ka dhanka ah ama dhibaatooyinka kale ee bulshada, maadaama ka quusashada nolol aqoon iyo hormar leh ay caruurta la takooro ku beeri karto cuqdad iyo ciil tusinaya in ay dhibaato ku noqdaan bulshada inteeda kale oo ay cadaw u arki karaan.